Lacagta Ay Heli Doonaan Kooxaha Premier League Dhamaadka Xilli Ciyaareedka.

Waxa la galayaa maalintii ugu dambaysay horyaalka premier League iyada oo Arsenal iyo Man City ku tartamayaan horyaalka premier League.

Kooxaha kaal duwan ee 20-ka ah ayaa isku diyaarinaya in ay helaan lacagta dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo lagu qiimaynayo halka ay kooxuhu kaga dhamaystaan.

Kooxda ku guulaysata horyaalka ayaa heli doonta lacagta ugu badan iyada oo jeebka ku shuban doonta lacag dhan 62.3 milyan waxana haatan ugu cad-cad kooxda Man City.

Kooxda kaalinta 2-aad ku jirta Arsenal Arsenal oo la filayo in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad ee kala saraynta ayaa jeebka ku shuban doonta lacag dhan 59.1 milyan euro.

Waxa ku xigta kooxda Liverpool oo haatanba la xaqiijiyay in ay ku dhamaysatay kaalinta 3-aad iyaga oo heli doona lacag dhan 56.0 milyan euro.

Hadaba Halkan Kaga Bogo lacagta ay kala heli doonaan kooxaha premier League:

Lacagta ay Helayaan Kooxaha Premier League dhamaadka xilli ciyaareedka.
Rank Club UK Merit Payment (£) International Merit Payment (£) Total (£)
1 Manchester City 33.8m 28.5m 62.3m
2 Arsenal 32.1m 27.0m 59.1m
3 Liverpool 30.4m 25.6m 56.0m
4 Aston Villa 28.7m 24.2m 52.9m
5 Tottenham 27.1m 22.8m 49.9m
6 Chelsea 25.4m 21.3m 46.7m
7 Newcastle 23.7m 19.9m 43.6m
8 Manchester United 22.0m 18.5m 40.5m
9 West Ham 20.3m 17.1m 37.4m
10 Brighton 18.6m 15.7m 34.3m
11 Bournemouth 16.9m 14.2m 31.1m
12 Crystal Palace 15.2m 12.8m 28m
13 Wolves 13.5m 11.4m 24.9m
14 Fulham 11.8m 10.0m 21.8m
15 Everton 10.1m 8.5m 18.6m
16 Brentford 8.5m 7.1m 15.6m
17 Nottingham Forest 6.8m 5.7m 12.5m
18 Luton Town 5.1m 4.3m 9.4m
19 Burnley 3.4m 2.8m 6.2m
20 Sheffield United 1.7m 1.4m 3.1m

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga