DEG-DEG: Premier League Oo Shaaciyay Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarin Xiddiga Ugu Fiican Xilli ciyaareedka

Ciyaaryahanka Manchester City Phil Foden ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedka 2023-24.

23 jirkan ka soo qalin jabiyay akadeemiyadda ayaa ku raaxaysanaya sanadkiisii 8-aad ee kooxda waa wayn ee Citizens waxana loo aqoonsaday xilli ciyaareedkiisii ugu wacnaa ee ilaa haatan waayihiisa quruxda badan ee tababare Pep Guardiola.

Foden ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Man City oo kaliya hal guul u jirta in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ku guulaysata afar koob oo xidhiidh ah.

Laacibka heerka caalami ee dalka England ayaa gacan ka geystay 25 gool – waana goolashii ugu wacnaa ee xirfadiisa City iyo 11 caawin 51 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 17 gool oo uu dhaliyay iyo siddeed caawin 34 kulan oo Premier League ah.

Foden ayaa dhaafay 50 goo premier league markii uu dhaliyay labo gool kulankii Citizens ay 4-0 kaga badiyeen Brighton & Hove Albion bishii hore, ka hor inta uusan goolkiisa ku darin goolkii uu dhaliyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Fulham. todobaadkii hore.

Foden Ayaa abaalmarinta ku Garaacday xiddig ay isku kooxda yihii ee Erling Haaland, xiddigaha Arsenal ee Martin Odegaard iyo Declan Rice, xiddiga Liverpool ee Virgil van Dijk, xiddiga Chelsea ee Cole Palmer, xiddig Aston Villa ee Ollie Watkins iyo xiddiga Newcastle United ee Alexander Isak si uu ugu guuleysto abaalmarinta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga