
Kooxda Arsenal ayaa diyaarisay liis Laba ciyaartoy ah oo ay u Dhaqaaqayso kadib dhaawaca soo Gaadhay Gabriel Jesus.
Jesus ayaa la filayaa in uu maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib dhaawac halis ah oo Ka soo Gaadhay jilibka.
Kooxda Arsenal ayaa Doonaysa Saxiixa Xiddiga kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic iyo xiddiga kooxda Marseille ee Elye Wahi si ay ugu buuxiyaan booska Jesus.
Arsenal ayaa haatanba Laga diiday Dalab ay ka Gudbisay Xiddig xiddiga Vlahovic iyada oo ku doonaysay Xiddiga qaab amaah ah.
Arteta ayaa xaqiijiyay in ay Arsenal suuqa ugu jirto sidii ay ula soo saxiixan lahayd Xiddig Cusub Oo weerarka ah suuqa January.
Be the first to comment