Kuma Ayuu Ahaa Xiddigii Man United Ee Aan Ka Qayb Galin Dabaal-Dagii Man United Ee Guusha FA Cup-ka.

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Casemiro ayaa ka maqnaa dabaal-dagii kooxda Man United.

Kooxda Man United ayaa shalay si lama filaan ah ugu guulaystay tartanka FA Cup-ka iyaga oo ka badiyay Man City.

Kadib ciyaarta xiddigaha Man United Iyo qooysaskooda ayaa isku raacay banaanka si ay ugu dabaal-dagaan guusha.

Laakiin xiddiga Casemiro ayaa gabi ahaan ka maqnaa dabaal-daga kooxda Man United.

Wargayska Mialonline ayaa sheegaya in uu Casemiro uusan ka qayb ahayn dabaal-daga xiddigaha kooxda Man United.

Arintan ayaa imanaysa xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddiga ee kooxda Man United.

Casemiro ayaa la kulmay dhaleecayn aad u weyn xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa Liita.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga