
Ruben Amorim ayaa laga yaabaa inuu noqdo tababaraha cusub ee Manchester United maalinta Axada ka dib markii ay kooxdu ogolaatay inay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa oo dhan 10 milyan oo euro.
Tababaraha reer Portugal iyo waliba 3 ka mid ah shaqaalihiisa ayaa la filayaa in ay u duulaan Manchester si ay wadahadalo ula qaataan Man United kaliya 2 maalin kadib markii ay kooxdu caydhisay Erik Ten Hag.
Tababarihii hore ee United Jose Mourinho iyo tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa labaduba taageeray Amorim, oo 39 jir ah, inkastoo uu kaliya tababare 5 sano oo kaliya.
Sporting ayaa shalay xaqiijisay: “Manchester United waxa ay soo bandhigtay xiisaha ay qabto Tababare Amorim waxana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagta 10 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa”.
Be the first to comment