Kulamada Uu Leny Yoro Ka Maqnaan Doono Man United Oo La Shaaciyay.

Xiddiga Leny Yoro ayuu soo gaadhay dhaawac halis ah ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka Man United.

Yoro ayaa ku dhaawacmay kulankii Arsenal ee saaxiibtinimo waxana la xaqiijiyay in uu muddo 2 ilaa 3 bilood ah garoomada ka maqnaan doono.

Yoro ayay u badan tahay in uu seego dhamaan kulamada Man United ee August, September iyo October.

Taas ayaa la macno ah in kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Premier league uu dib u dhici doono ilaa kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda chelsea 2-da November.

Waxaa laga yaabaa in uu seego dhamaan kulamada 9-ka ee ay Man United la ciyaari doonto kooxaha ay ka midka yihiin Liverpool, Tottenham Hotspur iyo Aston Villa.

Fulham (H) – 16 August

Brighton (A) – 24 August

Liverpool (H) – 1 September

Southampton (A) – 14 September

Crystal Palace (H) – 21 September

Tottenham Hotspur (H) – 29 September

Aston Villa (A) – 5 October

Brentford (H) – 19 October

West Ham United (A) – 26 October

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga