Kufsigii Achraf Hakimi Oo Xumaddiisu Bilaabantay – Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa waxa ku bilowday baadhitaannada iyo dacwadda kiiska kufsiga ee uu ku eedaysan yahay, waxaana maxkamadda looga keenay waaran soo qabasho ah oo sababay inuu ka maqnaado tababarkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa.

Maxkamadda Nanterre ayaa waaran u keentay Hakimi, sida ay sheegeen warbaahinta Faransiiska ee RMC Sport iyo L’Euqipe, waxaana bilaabmay dhegaysiga dacwadda iyadoo xeer ilaalinta Faransiisku ay hore u wadday baadhitaanka.

3dii March 2023, ayaa waxa lagu eedeeyey Hakimi in uu kufsaday gabadh ay saaxiibbo ahaayeen oo uu ugu yeedhay gurigiisa magaalada Paris iyadoo waqtigaas ay safar ku maqnaayeen xaaskiisa iyo labadiisa carruurta ah oo ku sugnaa magaalada Dubai.

Sagaal bilood oo uu soo socday kiiskan oo baadhitaankiisa ay wadeen xeer ilaalintu, waxa gabadhani ay boolisku u sheegtay in markii ay soo gashay guriga uu Hakimi ku bilaabay dhunkasho/shumis qasab ah, kaddibna xabbadka geliyey illaa uu ka gaadhayay dantiisa.

Qareennada Hakimi ayaa beeniyey eedayntan, waxaanay ku doodayaan in kiiskani uu yahay been abuur lagu eedaynayo laacibkan.

Sidaas oo ay tahay, Hakimi ayaa ka maqnaaday tababarka kooxdiisa ee Jimcihii, hase yeeshee tababare Luis Enrique ayaa saxaafadda u sheegay in uu laacibkani awoodi doono inuu ciyaaro kulanka maanta ee FC Nantes.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga