Fabio Capello Oo Tilmaamay Koox Lama Filaan Ah Oo Haysata Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Waqtigan

Tababarihii hore ee Inter Milan, AS Roma, Juventus, Real Madrid iyo xulalka qaramada England iyo Ruushka ee Fabio Capello ayaa rumaysan in Inter Milan ay haysato mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan waxaana uu Nerazzurri barbar-dhigay kooxaha Real Madrid iyo Manchester City.

Fabio Capello oo ay da’diisu tahay 77 jir, ayaa waxa uu dhinacyada ka istaagay xoogganaanta xiddigaha khadka dhexe ee Inter Milan, waxaana uu sheegay in ay kuwa ugu wanaagsan marka loo eego tayada iyo tirada intaba.

Qoraal uu ku daabacay wargeyska La Gazzetta dello Sport, ayaa waxa uu Capello ku ammaanay Hakan Calhanoglu, Henrikh Mkhitaryan iyo Nicoilo Barella oo lagu daray saxeexa cusub ee Davide Frattesi oo €33 milyan oo Gini ay kusoo iibsadeen, waxaana uu ku tilmaamay inay ka mid yihiin kuwa ugu wanaagsan.

“Inter halka ay ka xooggan tahay waa khadka dhexe, waxay haystaan isku-milan sax ah, sida tayo, khibrad, feegjinaan iyo aragti ciyaareed.Calhanoglu waa kubbad qaade wanagsan, Barella iyo Mkhitaryan waxay leeyihiin farsamo caqli ku lammaan yahay iyo tayo.” Ayuu yidhi Fabio Capello.

Waxa uu intaa ku daray, in Fabio Capello, in isku-milanka ciyaartoydani ay la mid yihiin sida Man City oo haysata De Bruyne, Foden iyo Rodri ama khadka dhexe ee Real Madrid ee Toni Kroos, Valverde, Tchouameni, Camavinga iyo Luka Modric, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin labada kooxood ee kale ee ugu dhaxda fiican dunida.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga