Rasmus Iyo Rashford Oo Kaydka Loo Diray Kulanka Adag Ee Bournemouth

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa qaatay go’aamo adag ka hor ciyaarta Bournemouth, waxaana uu kaydka u dhaadhiciyey Rasmus Hojlund, halka Marcus Rashford uu ciyaartii labaad oo xidhiidh ah kusoo bilaabanayo kursiga kaydka.

Ten Hag ayaa aaminay Anthony Martial iyo labada garab ee bandhigga fiican sameeyey ciyaartii Chelsea ee Antony iyo Alejandro Garnacho oo ilaashaday boosaskooda, halka khadka dhexena uu ciyaartii labaad oo xidhiidh ah kusoo bilowday Sofyan Amrabat oo ka garab ciyaaraya Scott McTominay iyo Bruno Fernandes.

Laacibka sookabashada sameeyey ee Harry Maguire ayaa difaaca dhexe waxa ku wehelinaya Luke Shaw oo booskiisii difaaca bidixna uu ka ciyaarayo Sergio Reguilon, halka difaaca midig uu kusoo bilowday Diogo Dalot.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Bournemouth XI: Neto, Smith, Zabarnyi, Senesi, Kerkez, Cook, Christie, Kluivert, Tavernier, Semenyo, Solanke.

Kaydka: Travers, Mepham, Brooks, Rotherwell, Ouatarra, Sinisterra, Moore, Kilkenny, Billing.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga