Kooxda Fursadaha Ugu Badan Khasaarisay Premier League Oo La Ogaaday.

Man United ayaa hogaaminaysa kooxda khasaarisay fursadaha ugu badan premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo khasaariyay 17 fursadood oo cadaan ah.

Liverpool, Tottenham iyo Aston Villa ayaa ku xiga oo khasaariyay 12 fursadood.

Bruno Fernandes, Joshua Zirkzee iyo Alejandro Garnacho ayaa ah ciyaartoyda iska qasaarisay fursadaha ugu badan ee kooxda.

Rashford, ayaa dhankiisa ku dhibaatooday goolka hortiisa xilli ciyaareedkan.

Guud ahaan, Man United ayaa dhalisay kaliya shan gool oo Premier League ah taas oo muujinaysa in ay ku dhibaatoonayaan goolka hortiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga