Arteta Oo Xiddig U Ciyaara Man United Ku Qancinaya In Uu Ku Biiro Arsenal Xagaaga.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay weeraryahan ku dhibtoonaya Manchester United si uu u qiimeeyo xiisaha uu u qabo u wareegida xagaaga ee Emirates.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka waxana laga saaray Xulka qaranka England oo ka qayb galaya tartanka Euro 2024.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa la kulmay dhaleecayn badan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa waxana xitaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta oo taageere u ah xiddiga ayaa u muuqda mid ka faa’iidaysanaya arintaas.

Arteta ayaa la xidhiidhay xiddiga si uu u ogaado in uu xiiso u qabo ku biirista kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga