
ENGLAND waxa ay ku yeelan kartaa todoba kooxood oo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Waxa soo baxday fursad ay kooxaha premier League ku lahaan karaan 7 kooxood tartanka champions League.
England ayaa haatanba u socota in ay ku lahaadaan champoons League 5 kooxood marka la eego qaab ciyaareedkooda yurub ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan
Labada ul ee ugu sareeya qiimaynta yurub ayaa helaya koox dheeraad ah xilli ciyaareedka dambe.
England ayaa haatan hogaanka u haysa qiimaynta iyaga oo ka horeeya Spain iyo Italy waxana ay wali ku leeyihiin 6 kooxood tartamada yurub waxana ay sii dheeraysan karaan qiimaynta.
Hadii England ay sii xajisato labada boos ee ugu sareysa, shanta koox ee ugu sareysa Premier League ayaa dhamaantood geli doona Champions League.
Laakiin haddii koox ay ku dhameysato meel ka baxsan shanta sare, haddana ku guuleysato Champions League, waxay u soo bixi doontaa tartanka xilli ciyaareedka soo socda.
Liverpool iyo Arsenal oo ah laba ka mid ah saddexda kooxood ee Ingriiska ee ku hadhay CL, ayaa dhamaantood u muuqda in ay ku soo bixi karaan shanta kooxood ee ugu saraysa PL sidaas darteed ku guulaysiga CL wax farqi ah ma samaynayso.
Laakiin hadii ay Aston Villa ku guulaysato champions League kuna dhamaysato meel ka baxsan 5-ta ugu saraysa waxa ay noqon doontaa kooxda 5-aad ee ka qayb galaysa tartanka .
Dhanka kale Manchester United iyo Tottenham ayaan haysan wax fursad ah oo ay ku dhamaysan karaan boosaska loogu soo boxo yurub premier League waxana ay ka hadheen labadii koob ee maxaliga ahaa.
Si kastaba ha noqotee, haddii labada kooxood ay ku guuleystaan Europe League, waxay si toos ah u geli doonaan marxaladda horyaalka ee champions League xilli ciyaareedka dambe taas oo ka dhigaysa in ay Premier League ku yeelan doonaan 7 kooxood.
Be the first to comment