Klopp Muxuu Ka Yidhi Guushii Dirqiga Ahayd Ee Kooxdiisu Ka Gaadhay Nottigham Forest

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guushii dirqiga ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Nottigham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka.

Liverpool ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kulanka iyaga oo ka badbaaday bar-baro ay kala kulmaan kooxda Nottigham Forest.

Gool uu dhaliyay Darwin Nunez ayaa Liverpool ka caawiyay in ay garaacdo Kooxda Nottigham Forest Kulan muhiim u ahaa tartanka horyaalka.

“Kulanku waxa uu ahaa midkii ugu adkaa ee aan ciyaarno, marka la eego duruufaha aan ku jirno oo ah in aan ciyaaray 4 kulan 11 maalin gudohood”.

“Waxa ay ahayd ciyaar gaar ah maalinta, way adagtahay in aan badinay 4 kulan ma rumaysan karo”.

“Ma codsan karo wax ka badan waxa ay wiilashu sameynayaan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga