Maxay Chelsea U Baahantahay Si Ay U Caydhiso Pochettino

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa wajahaya cadaadis dheeraad ah kadib markii ay bar-baro 2/2 ah la galeen kooxda Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Bar-Baraha ayaa la mcno ah in ay chelsea ku jirto kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka premier league.

Mauricio Pochettino Ayaa si weyn loola xdihiidhinayaa in shaqada laga caydhinayo iyada oo taageerayaashu dalbanayaan arintaas.

Kooxda chelsea ayaa u baahan in ay bixiso lacag hadii ay go’aansato in ay caydhiso Mauricio Pochettino kadib natiijooyinka xun ee kooxda.

Hadii ay Blues go’aansato in ay caydhiso Mauricio Pochettino waxa ay u baahantahay in ay miiska u sarto tababaraha lacag dhan 13 milyan oo euro.

Kooxda chelsea ayaan la filayn in ay wax talaabo ah ka qaado tababare Mauricio Pochettino laakiin waxa ku sii kordhaya cadaadiska sabab la xidhiidha cadaadisk.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga