Chelsea Oo Sii Wada Luminta Dhibcaha, Brentford Ayay Bar-Baro La Gashay.

Ciyaartii dhexmartay labada kooxood ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Blues ayaa booqatay Brentford kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal Nicholas Jackson ayaa daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Blues,waxana caawin ka helay Malo Gusteau.

Kooxda martida loo ahaa ayaa daqiiqadii 50-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mads Rörslev Rasmussen.

Kooxda Brentford ayaa waxaa u suuragashay inay la timaado goolka labaad,waxana u dhaliyay ciyaaryahan Yoan Wesa kaas oo dhaliyay daqiiqadii 69-aad.

Kooxda martida aheyd ayaa waxaa u suuragashay inay la yimaadaan goolka barbaraha, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Axel Disasi daqiiqadii 83aad.

Barbardhacan, Brentford ayaa ku soo baxday 26 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta shan iyo tobnaad ee kala sarreynta Premier League.

Dhanka kale, dhibcaha Blues ayaa kor u kacay 36 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 11-aad ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga