KASHIFAAD:- RODRI oo soo bandhigay Qaabkii uu isaga diiday Real Madrid ……

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, ayaa hadallo xiiso leh ka sheegay doorashadiisa iyo xaaladdiisa jireed, iyadoo wararka suuqa kala iibsiga ay si weyn ula xiriirinayaan mustaqbalkiisa.

Rodri ayaa sheegay inuu haystay fursado kale, balse haddii uu isagu dooranayo, Barcelona ay ahayd kooxdiisa koowaad.

Rodri: “Waxaan haystay fursado kale, laakiin aniga ahaan Barcelona waxay ahayd doorashadayda koowaad.”

Wuxuu sidoo kale caddeeyay inuu arrintaas si toos ah ugu sheegay dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa:- “Arrintaas waxaan u caddeeyay dhammaan dadka ku lugta lahaa.”

Rodri ayaa sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga qabo xaaladdiisa caafimaad, isagoo sheegay inuu si buuxda u taam yahay isla markaana diyaar u yahay inuu garoonka kusoo laabto.

“Si buuxda ayaan u taam ahay, diyaar ayaanan u ahay inaan ciyaaro! Qalliinku ma ahayn wax halis ah.”

Rodri wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo inuu tababarka kusoo laabto maalinta xigta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka hoos  shaqeeyo tababaraha Hansi Flick marka uu tababaruhu u arko inuu diyaar yahay.

“Waxaan rajeynayaa inaan berri tababarto, oo aan sida ugu dhakhsaha badan  aan ufuliyo amarrada Hansi — marka uu isagu u arko inaan diyaar u ahay.”

Hadaladan ayaa sii xoojinaya xiisaha ku saabsan Rodri iyo Barcelona, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu si cad u muujiyay in kooxda reer Catalonia ay tahay doorashadiisa koowaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga