
Saxiixa cusub ee kooxfa Chelsea Joao Pedro ayaa shaaca ka qaaday in Andrey Santos iyo David Luiz ay labaduba door muhiim ah ka ciyaareen sidii uu ugu soo biiri lahaa Chelsea xagaagan.
Xiddiga boosaska badan ka ciyaari Kara ayaa heshiis 50 milyan ku kacaya ugu biiray Blues isaga oo kaga soo biiray Kooxda Brighton.
Santos iyo Luis ayaa ka caawiyay in uu doorto kooxda Chelsea kuna biiro.
Daafaca Luiz ayaa u saftay 248 kulan oo Chelsea ah labo jeer oo uu kooxda la joogay, isagoo kula guuleystay labada Champions League iyo Premier League waxana uu Pedro siiyay tallo.
“Waxaan wax yar ku dhowahay David Luiz, ayuu yiri ka dib markii uu saxiixay,
“Kama hadlin isaga, wax ku saabsan Chelsea, laakiin wax ku saabsan xirfadeyda iyo sida aan u horumarin karo si ka sii fiican. Wuu i caawiyay.”
Be the first to comment