Jesus Iyo Saka Oo Arsenal Ku Hogaamiyay Guul Qaali Ah, Nottingham Forest Ayay Garaaceen.

Kooxda Arsenal ayaa sii wadatay guulaha xidhiidhka ah iyaga oo garaacay Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal wax walba ku fiicnayd iyada oo Nottingham Forest daafac ku jirtay si ay u ilaashato goolkeeda.

Kooxda Mikel Arteta ayaa sida roobka u samaysay fursadaha laakiin Gunners ayaa ku dhibaatootay in ay badalaan fursadaha ay samaynayaan kana dhaliyaan gool.

Waxa bar-baro 0/0 ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro inkasta oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican.

Qaybta dambe ayay Gunners si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 65-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Nottinhag ayaa furtay ciyaarta waxana ay bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 72-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Nottingham Forest ayaa daqiiqadii 89-aad dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Taiwo Awoniyi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul muhiim ah ka gaadhay Nottigham Forest iyaga oo ku jira kaalinta 2-aad isla markaas leh 46 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga