Tababaraha Ugu Cad-Cad In Uu Badalo Klopp Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Klopp ayaa shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan kaas oo ah go’aan ka yaabiyay.

Xabi Alonso oo wacdaro ka dhigaya kooxda Leverkusen ayaa haatan ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool.

Alonso ayaa ah Halyeey Liverpool ah waxana uu kula guulaystay champions League sanadkii 2005.

Xabi Alonso ayaa haysta qiimayn ah 8/11 in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool kadib markii uu Klopp xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga