Iska Illow Fede Valverde, Vinicius & Jude Bellingham: Luis Suarez Oo Magacaabay Xiddiga Real Madrid Ee Uu eclaan Lahaa In Barcelona La Saxeexato

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa shaaciyey magaca ciyaartoy lama filaan ah oo Real Madrid ka tirsan oo uu jeclaan lahaa in ay Barcelona la saxeexato, kaas oo uu qiray kartidiisa iyo awooddiisa ciyaareed oo usbuucyadii ugu dambeeyey si weyn looga sheekaynayay.

Luis Suarez oo toddobaadkan amcasalaameeyey kooxdiisa horyaalka waddanka Brazil ee Gremio kaddib markii lasoo gabogabeeyey horyaalka dalkaas, ayaa waxa uu hadda raadinayaa koox cusub, waxaana lala xidhiidhinayaa Inter Miami oo ay ku midoobayaan saaxiibbadiisii hore ee Barcelona ee Lionel Messi, Jordi Alba iyo Sergio Busquets.

36 jirkan ayaa waxa la weydiiyey ciyaartoydii uu kusoo arkay horyaalka waddanka Brazil muddadii uu joogay, iyo haddii uu jiro laacib uu jeclaan lahaa in kooxdiisii hore ee Barcelona ay la saxeexato, waxaana uu markiiba lasoo booday da’yarka Real Madrid ee Endrick oo ay da’diisu tahay 17 jir, isla markaana sannadkii labaad oo xidhiidh ah kooxda Palmeiras kula guuleystay horyaalka Brazil.

Endrick ayay Real Madrid ku iibsatay €60 milyan oo Gini bishii December ee sannadkii hore, waxaana uu Santiago Bernabeu soo gaadhi doonaa xagaaga marka ay da’diisu noqoto 18 jir.

Los Blancos waxay hore u bixisay €35 milyan oo Gini oo kaadh h iyo €12 milyan oo Gini oo kale oo cansuur ah, waxaana waqtigaas ay saxeexiisa ku garaacday kooxaha Barcelona, Chelsea iyo PSG, iyadoo Endrick uu u saxeexay qandaraas soconaya illaa sannadka 2027, balse waxa heshiiska ku jira qodob kale oo dhigaya in Real Madrid ay dookh u haysato in heshiiska ay gaadhsiiso illaa sannadka 2030.

Luis Suarez oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in Endrick uu ku biiro Barcelona.”

Si kastaba ha ahaatee, Endrick ayaa 170 gool u dhaliyey shantiisii sannadood ee uu u ciyaaray da’yarta kooxda, halka bidixlahan uu 60 ciyaarood oo kooxda koowaad ah uu dhaliyey 17 gool iyo laba caawimood, waxaana ku jira 11 gool oo uu dhaliyey 31 ciyaarood oo xilli-ciyaareedkii hadda dhamaaday ah oo ka caawiyey Palmeiras inay ku guuleysato horyaalka Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga