Chelsea Oo Laga Afduubanayo Kabtankeeda Reece James Iyo Kooxda Ku Darsatay Liiska Xiddigaheeda Mustaqbalka

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa halis ugu jirta in laga afduubto kabtankeeda Reece James oo kusoo baxay liiska xiddigaha ay koox weyn oo reer Yurub ah qorshaynayso in ay la saxeexato, taas oo Blues ku haysa walaac inkasta oo uu difaacan midig saxeexay heshiis cusub oo waqti dheer ah.

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay, in bilaha soo socda aanu ka fadhiisan doonin sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa xiddigaha ay kooxdiisu ka doonayso suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana uu bisha January doonayaa in uu dhamaystiro heshiis xor ah oo uu kusoo xero-gelinayo Kylian Mbappe.

Perez ayaa haddii uu waayo Kylian Mbappe, waxa uu dhamaadka xilli-ciyaareedka la xidhiidhi doonaa wakiilka Erling Haaland oo hore u xaqiijisay in qandaraaska laacibkan ee Man City lagu burburin karayo 175 milyan oo Euro.

Marka ay weerarka xaqiijistaan, Real Madrid waxa ay la saxeexan doonaan difaac bidix oo dookhooda koowaad ay ka dhigteen Alphonso Davies oo Bayern Munich u dheela oo iska diiday inuu qandaraaska u kordhiyo iyo Leny Yoro oo uu qorshuhu yahay inay difaaca dhexe ku xoojiyaan.

Waxa kale oo Real Madrid ay qorshaheeda ku darsatay kabtanka Chelsea ee Reece James oo 23 jir ah, kaas oo ay doonayaan in uu u beddelo Dani Carvajal oo ay da’diisu sii weynaanayso, haddana madaxa la galay da’da 31 jirka.

Dani Carvajal oo dhaawacmay ayaa waxa beddelkiisa ay Los Blacos u haysataa Lucas Vazquez oo hore u ahaan jiray ciyaartoy garab weerar ah, sidoo kalena Nacho Fernandez ayaa ka dheeli karaya difaaca midig, inkasta oo uu ku liito weerar-geynta kubadda.

Sida uu ku warramay wariyaha ciayaraha ee Manu Amor, Real Madrid ayaa waxa ay hawsha Reece James u xil-saartay Juni Calafat oo ah madaxa suuqa, waxaanay raadinayaan xalka iyo fursadda ay u heli karayaan in Blues ay kasoo qaataan James oo dhowaan saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa June 2028.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga