RASMI: Harry Maguire Oo Ugu Dambayn Noqday Xiddiga Bisha Ee Premier League & Soo-laabashada Cajiibka Ah Ee Uu Sameeyey

Difaaca kooxda kubadda cagta Manchester United iyo xulka England ee Harry Maguire ayaa ku guuleystay xiddigii bisha November ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada bishaas.

Harry Maguire ayaa ay taageereyaasha Premier League u codeeyeen in uu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa, waxaana maanta abaal-marinta lagu guddoonsiiyey garoonka tababarka kooxdiisa ee Carrington.

Markii ugu horreysay ee uu Maguire helo abaal-marinta xiddiga bisha waxay ahayd xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Manchester United, waxaase uu soo maray waqti adag oo uu u dhowaaday in kooxda laga diro xagaagii, iyadoo xilli-ciyaareedkii hore uu inta badan ku qaatay kursiga kaydka.

Saddexdii ciyaarood ee bishii November ee Fulham, Luton iyo Everton ee ay Red Devils shabaqeeda ilaashatay, sidoo kalena ay guulaha gaadheen ayaa sabab u noqday in Maguire uu abaal-marintan ku garaaco garabka weerarka Man City ee Jeremy Doku oo labaad galay iyo da’yarka Newcastle ee Anthony Gordon oo kaalinta saddexaad u dhacay, halka Raheem Sterling, Thomas Kaminski oo ah goolhayaha Luton iyo laacibka Bournemouth ee Marcus Tavernier ay iyaguna ku jireen tartameyaasha.

Harry Maguire ayaa waxa uu sidaa ku noqday difaacii saddexaad ee Manchester United ah ee abaal-marinta xiddiga bisha ku guuleysta, waxaana ka horreeyey Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga