Heshiis Dhacay: Salah Iyo Van Dijk Oo Koox Cusub Ku Biiray.

Mohamed Salah ayaa laga yaabaa inuu ka tago Liverpool ka dib wadahadalo cusub oo lala yeeshay labo shaqsi oo muhiim ah, iyadoo fursada uu ugu biiri karo koox gaar ah haatan lagu qiimeeyay 99 boqolkiiba.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ku raaxaysanaya in ay marag ka noqdaan mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa ee Salah wakhti xaadirkan, laakiin waxa jirta cabsi Laga qabo mustaqbalkiisa.

Sabab la xidhiidha heshiiskiisa oo ku jira 6-dii bilood ee ugu dambeeyay.

Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga laakiin ilaa wali wax guulo ah kama gaadhin arintaas.

U dhaqaaqista horyaalka sucuudiga ayaa haatan ah suurtagalnimada ugu weyn.

Wararka ayaa sheegaya Madaxweynaha Al Hilaal Fahad bin Nafel iyo Guddoomiye ku xigeenka Sacuudiga Pro League Saad Al Lazeez ayaa hadda ku sugan London si ay u soo gabagabeeyaan saxiixyada ciyaaryahanka.

Salah ayaa 99% ah ciyaaryahan Al-Hilal ah halka Virgil van Dijk uu aad ugu dhow yahay. Wax walba waa lagu heshiiyey; Waxa kaliya ee harsan waa in labada ciyaaryahan qalinka ku duugaan heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga