
Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddig Akademiyada ah kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jack Kingdon.
Da’yarka ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyay in uu dhamaystiray saxiixiisa Riyada kuna biiray kooxda Red Devils.
Kingdon ayaa ku biiri doona kooxda 16 jirada ee Man United kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Morecambe.
Xiddiga Kingdon oo ka ciyaara daafaca dhexe ayaa bogiisa Twitter-kaku soo qoray”Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ka qay noqdo kooxdan khaaska ah”.
Xiddiga ayaa qoraalka raaciyay sawir isaga oo qalinka ku duugaya heshiiska uu gu soo biiray kooxda Man United.
Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabaab Oo 7 Qof Oo Hal Qoys Ka Tirsan Ku Dilay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed
Be the first to comment