Guler -> Liverpool, Alonso -> Man United, Merino -> Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Liverpool ayaa Real Madrid wax ka waydiisay helitaanka xiddiga Arda Guler iyaga oo haatan isku diyaarinaya in ay dalab rasmi ah ka gudbiyaan (Turkish-Football).

Sidoo kale Liverpool waxa diirada u saaran xiddigaha wolves ee Pedro Neto iyo Rayan Ait-Nouri, kuwaas oo lagu qiimeeyo 98 milyan (GIVEMESPORT).

Barcelona ayaa u soo bandhigtay Dani Olmo heshiis lix sano ah iyagoo doonaya inay ku guuleystaan ​​tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig (BILD).

Xiddiga Barcelona ee Ferran Torres ayaa dhinaciisa isaga tagi kara Barcelona iyada oo lagu iibinayo 25 milyan oo euro (Fichajes).

Atletico Madrid ayaa si aad ah ugu kalsoon “in ay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher xagaagan. (TEAMtalk)

AC Milan ayaa dib u soo celisay wadahadaladii ay kula jirtay Chelsea oo ku aadanaa weeraryahan Armando Broja (Calciomercato).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino ayaan wax xiiso ah u qabin ku biirista Barcelona, ​​waxaana taa bedelkeeda la filayaa inuu u dhaqaaqo Arsenal (SPORT).

Man United ayaa bilowday wadahadalo ay doonayso in ay kula soo saxiixato weeraryahanka Ivan Toney si ay ula tartansiiso xiddigaha Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee (GIVEMESPORT).

Manchester United ayaa xiiseyneysa inay u dhaqaaqdo daaficii hore ee Barcelona iyo Chelsea Marcos Alonso ka dib markii laga fasaxay Camp Nou (The Mirror).

Kooxda Saudi Arabia ee Al Ittihad ayaa hal dalab oo kama danbeys ah ka gudbin doonta goolhayaha Manchester City Ederson kaas oo ku kacaya 38 milyan oo euro (Rudy Galetti).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Julian Alvarez ayaa codsaday in uu isaga tago kooxda (SamLee).

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 25 jirka qadka dhexe ee Denmark Morten Hjulmand oo ka tirsan Sporting Lisbon (FootballTransfers).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa Goolhayaha Kooxda Villarreal ee Filip Jorgensen (Athletic).

Trent Alexander-Arnold, oo 25 jir ah, ayaa doonaya inuu la sii joogo Liverpool inkasta oo daafaca dambeedka midig ee England uu xiiso ka helayo Real Madrid (Mirror).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga