
Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Brentford kulan ka tirsanaa premier League.
Kooxda Man City ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Brentford kulan ay Man City dhalisay 2-da gool ee hore.
Tababaraha ayaa yiri: “Waan yara niyad jabnay, ka dib markii aan ku hogaaminay laba gool Ciyaarta waanu awoodi waynay in aan xejisano natiijada kumana aanan guulaysan kulanka”.
Wuxuu intaas ku daray: “Maanta ma aanan qaadanin go’aamo sax ah dhinaca weerarka, waxaan dareemay inaanan sameynin go’aan sax ah goolka hortiisa”.
“Marka laga hadlayo daalka kooxda: “Maqnaanshaha daafacyadayada, sidoo kale Rodri, iyo waxyaabo badan, kuma jirno sida ugu fiican, mana aanan sameynin go’aamo sax ah, waa caadi, ma ahan meel fiican, nasiib darro ma aanan badin kulanka”.
Haddii uu ku faraxsan yahay hal dhibic: “Haa, taasi waa xaaladda”.
Be the first to comment