Garabka Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa u muuqda inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa, iyadoo Arsenal ay si weyn u danaynayso saxiixiisa.
Arsenal ayaa 2027 doonaysa inay hesho garab bidix oo cusub, kadib markii ay ku guuldarreystay inay xagaagii lasoo saxiixato Morgan Rogers iyo Vinicius Junior, Ngumoha ayaa kamid ah ciyaartoyda ay Arsenal si gaar ah ula dhacsan tahay, Si kastaba, Liverpool ayaa dadaal ugu jirta inay ciyaaryahanku ku sii haysto Anfield.
TEAMtalk ayaa horay u sheegay in Liverpool iyo kooxda wakiladda Ngumoha ay heshiis hordhac ah ka gaareen qandaraas cusub oo faa’iido badan leh. Wadaddallada lagu dhammeystirayo heshiiska ayaa weli socda.
Pete O’Rourke oo ka tirsan Football Insider ayaa sheegay in Ngumoha uu ku faraxsan yahay Liverpool, isla markaana la filayo inuu xilli ciyaareedkan helo fursado badan oo safka koowaad ah.
“Liverpool waxay si weyn u doonaysaa inay sii haysato Ngumoha. Ciyaaryahanka laftiisana wuu ku faraxsan yahay Liverpool,” ayuu yiri O’Rourke.
Fabrizio Romano ayaa sidoo kale sheegay in Liverpool aysan marnaba doonayn inay iibiso Ngumoha, iyadoo kooxda ay u aragto inuu yahay mustaqbalka Anfield.
Romano wuxuu sheegay in Arsenal ay danayn karto Ngumoha mustaqbalka, balse Liverpool haatan ay wadahadallo kula jirto ciyaaryahanka si loo saxiixo heshiis cusub.
Dhammaan calaamadaha waxay muujinayaan in Ngumoha uu sii joogi doono Liverpool, taasoo Arsenal ka dhigi karta inay mar kale garab ay doonaysay.
Be the first to comment