Gael Clichy Oo Arsenal Uga Digay Hal Khalad Kulanka Man City.

Gael Clichy ayaa aaminsan in Arsenal ay samayn doonto ‘qallad aad u xun’ haddii ay ku ciyaaraan weerar rogaal celis ah oo ay ku wajahayaan Manchester City kulankooda Premier League ee Axadda.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u safreysa Etihad Stadium iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Man City iyaga oo badiyay 8 kulan oo xidhiidh ah premier League.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa rikoor cajiib ah ku leh garoonkeeda oo ay ku badisay 16 ka mid ah 20kii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan, walina laguma garaacin Etihad Stadium xilli ciyaareedkan.

Laakiin Clichy ayaa ku booriyay Arsenal inay ku soo bilowdaan si fiican ciyaarta kulanka ay la ciyaari doonaan Man City.

“Arsenal waxay u baahan tahay inay lahaato geesinimo ay ku qaado weerar una sheegaan Man City in ay iska celin doonaan”.

“Kaliya Arsenal iyo Liverpool ayaa ah labada kooxood ee iska celin kara Man City”ayuu Clichy u sheegay Super 6.

Waxay ila tahay in ay khalad xun tahay in Mikel uu isku dayo in uu ciyaaro weerar rogaal celis ah isla markaas Man City u ogolaado in ay kubada haysato”.

“Waxaad u ogolaan kartaa inay haystaan ​​qaar ka mid ah kubada sababtoo ah waxay joogaan guriga, laakiin waa inaad ciyaartaa ciyaartaada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga