Arsenal, Liverpool Mise Man City? Peter Crouch Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Peter Crouch ayaa saadaaliyay in Liverpool ay ku guuleysan doonto Premier League si ay u macasalaamayso Klopp lakiin waxa uu aaminsan yahay in Arsenal ay dib isugu soo celisay in ay qayb ka ahaato tartanka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa badisay 8 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa bilowgii sanadkan waxana ay hogaaminaysaa horyaalka iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa u safri doonta Etihad si ay ula ciyaarto Man City kaas oo noqon doona kulan xiiso leh halka ay Liverpool Anfield ku soo dhawayn doonto Brighton.

Bilowgii xilli ciyaareedkan, Crouch ayaa Liverpool iyo Klopp u saadaaliyay in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo England oo la hadlay talkSPORT usbuucan ayaa sheegay inuu ku adkeysanayo saadaashiisa hore, laakiin wuxuu ku amaanay Arsenal qaabkii ay uga soo kabsadeen xilli ciyaareedkii adkaa ee bilowgii sanadkan.

“Waxaan idhi Liverpool ayaa ku guulaysan doonto premier League bilowgii xilli ciyaareedka, waxaanan filayaa in dad badan ay odhan doonaan in ay eex ku jirto arintaas”ayuu Crouch yidhi.

“Laakiin Arsenal ayaa dib isugu soo celisay tartanka Premier League”.

“Manchester City sida iska cad waxay noqon doontaa kuwa ugu cadcad marka la eego taariikhda dhow, waxaadna odhan kartaa waa tartan laba faras ah, laakiin Arsenal ayaa hadda ku soo laabatay tartanka”.

“Laakiin waxa ana ku sii adkaysanayaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga