Arsenal Mise Man City? Bacary Sagna Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Premier League

Bacary Sagna ayaa daaha ka qaaday saadaashiisa iyadoo laba ka mid ah naadigiisii ​​hore – Arsenal iyo Manchester City – ay isku diyaarinayaan inay ku kulmaan kulan weyn oo horyaalka Premier League ah isbuucaan.

Arsenal ayaa haatan hogaanka Premier League ku haysa farqiga goolasha laakiin waxa ay ogtahay in ay Man City dhaafi doonto hadii ay guuldaro kala kulmaan Etihad Staduim.

Gunners ayaa si dirqi ah ku lumisay horyaalka xilli ciyaareedkii hore – iyagoo shan dhibcood ka dambeeyay Man Cuty ka dib markii ay ku hogaaminayeen tartanka inta badan xilli ciyaareedka.

Laakiin Kooxda Arteta ayaa si fiican ugu tartamaysa horyaalka xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 20 ka mid ah 28-kii kulan ee ay ciyaartay.

Arsenal ayaa laga badiyay 12 kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay wajahday Man City ka hor xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay soo afjareen guuldarooyinkaas xilli ciyaareedkan iyaga oo 1/0 uga badiyay kulankii lugta hore.

Markii la weydiiyay saadaasha kulanka Etihad, Sagna ayaa u sheegay Paddy Power: ‘Waxaan arki karaa Manchester City iyo Arsenal oo barbardhac ku galaan Etihad”.

“Garoonkooda, Man City ayaa la garaaci karaa sabab la xidhiidha in ay weerar gasho isla markaas lagu qaadi karo weeraro rogaal celis ah iyada oo Arsenal adeegsanayso weeraryahanadeeda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga