Chelsea oo wajahaysa dhibaato weyn: “Bomb Squad” oo dib u soo laaban karta, laakiin qaab cusub

Kooxda.com – Chelsea ayaa mar kale wajahaysa xaalad adag oo la xiriirta tirada badan ee ciyaartoyda kooxda koowaad, iyadoo kooxda London ay haatan haysato in ka badan 40 ciyaaryahan, Tababaraha cusub ee Xabi Alonso ayaa doonaya inuu yareeyo tirada kooxda, taasoo keentay in ciyaartoy dhowr ah ay tababarka uga qaybqaataan koox ka duwan kooxda koowaad.

Xilli ciyaareedyadii hore, Chelsea waxaa caan ka noqday waxa loogu yeeri jiray “Bomb Squad”, oo ah koox ciyaartoy ah oo aan lagu darin qorshaha kooxda koowaad, Ciyaartoy ay ka mid ahaayeen Raheem Sterling iyo Axel Disasi ayaa hore loogu qasbay inay si gooni ah uga tababartaan kooxda inteeda kale.

Wararka maanta waxay sheegayaan in ciyaartoy ay ka mid yihiin Nicolas Jackson, Liam Delap, Tosin Adarabioyo iyo Axel Disasi ay tababarka ka qaybqaadanayaan koox ka duwan kooxda ugu weyn ee Alonso.   Si kastaba ha ahaatee, Chelsea waxay ku adkaysanaysaa in tani aysan ahayn “Bomb Squad” kii hore.

Kooxdan ciyaartoyda ah waxay tababartaa isla waqtiga kooxda koowaad, waxayna isticmaashaa isla garoomada iyo xarumaha tababarka ee Cobham.

Sidaas darteed, ma aha sidii xilli ciyaareedyadii hore oo ciyaartoyda aan qorshaha ku jirin gebi ahaanba laga fogeyn jiray kooxda koowaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga