Kooxaha Ay Arsenal Ku Dhacayso Wareegga 16ka Champions League Oo Lasii Qiyaasay

Kooxda kubadda cagta Arsenal waxay xaqiiqsatay in mar horeba ay kasoo baxday wareega group-yada tartanka Champions League oo ay diyaarsatay booskeeda wareegga 16ka, waxaana hadda ay sugayaan kulanka dhamaystirka ciyaaraha ka hadhsan hormada B iyo inay helaan kooxda ay isku beegmayaan.

Arsenal ayaa waxa Group B kula jiray PSV Eindhoven Lens iyo Sevilla, waxaana ay kusoo gudubtay kaalinta koowaad, hase yeeshee PSV iyo Lens ayaa kala bixi doona halka Sevilla ay macasalaamaysay tartanka oo kaliya uu hunguri ka hayo inay boos ka helaan Europa League.

Siddeed Group oo uu ka koobnaa tartanka Champions League, waxay Arsenal ka badbaadi doontaa toddobada kooxood ee kale ee kaalmaha koowaad kaga soo gudbay hormooyinkooda, sidoo kalena waxaanay is-haleelayn oo uu sarcigu diidayaa inay isku dhacaan kooxaha kale ee Premier League ee kusoo baxa kaalinta labaad iyo kuwa group B ay kasoo wada gudbeen.

Tusaale ahaan, Arsenal kuma dhacayso Man City oo kaalinta koowaad kusoo baxday, sidoo kalena Newcastle iyo Man United iskuma dhici karaan haddii ay kaalmaha labaad kaga soo baxaan hormooyinkooda, inkasta oo ay xaaladda ay kusoo bixi karayaan adag tahay.

Waa kuwan kooxaha ay Arsenal ku beegmi karayso wareegga 16ka Champions League

Atletico Madrid – Spain

Borussia Dortmund – Germany

Paris Saint-Germain – France

Braga – Portugal

FC Copenhagen – Denmark

Galatasaray – Turkey

Inter – Italy

Lazio – Italy

Milan – Italy

Napoli – Italy

Porto – Portugal

RB Leipzig – Germany

Real Sociedad – Spain

Shakhtar Donetsk – Ukraine

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga