Erik ten Hag Oo U Sheegay Marcus Rashford Inuu Ku Daydo LABA Ciyaartoy Oo Man United Ah Oo Albaabka Kasoo Laabtay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa u sheegay weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford in uu ku daydo labada ciyaartoy ee Harry Maguire iyo Scott McTominay oo kasoo laabtay albaabka bixitaanka oo xagaagii tegay ay labadooduba qarka u saarnaayeen.

Marcus Rashford oo xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyey Manchester United 30 gool oo dhamaan tartamada ah ayaa kaydka loo diray ciyaartii Chelsea ee Arbacadii kaddib markii uu bandhig liita ka sameeyey kulankii Newcastle.

Erik ten Hag oo saxaafadda lahadlay, ayaa waxa uu u tilmaamay Marcus Rashford in uu raaco dariiqa Harry Maguire oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha November ee horyaalka Premier League iyo Scott McTominay oo dhaliyey labadii gool ee ay ku khaarajiyeen Chelsea.

Ten Hag oo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee maanta ee ka hor ciyaarta Sabtida ee Bournemouth ayaa yidhi: “Iyagu (Maguire iyo McTominay) halkan ayay joogaan, waa ciyaartooyo wanaagsan oo u dheelay sida ay kooxdu doonayso. Waa sida aanu ka rajaynayno ciyaartoy kasta, waana in aad wax badan u hurto sidii aad u gaadhi lahayd.

“Sidaa daraadeed, Rashford waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin ciyaar walba ma dheeli karayo, waqtiganna kuma jiro qaabkii fiicnaa ee sannadkii hore, laakiin waxa aan hubaa in uu dib usoo laaban doono.

“Waa sidii aan hore ugu idhi Scott iyo Harry: Iyaga ayay u taallaa, isaguna waa inuu dariiqaas oo kale raaco.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga