Afarta Difaac Ee Ay Liverpool La Saxeexanayso Bisha January Kaddib Dhaawaca Joel Matip

Inkasta oo Jurgen Klopp uu ka gaabsaday inuu si cad u sheego in kooxdiisu ay la saxeexan doonto difaac dhexe bisha January, haddana waxa soo baxaya warar xooggan oo sheegaya in Liverpool ay bisha Jajuary suuqa u geli doonto difaac dhexe oo u bddela Jeol Matip oo dhaawac ku seegaya inta

Joel Matip oo jilibka ka jabay ayaa lagu samayn doonaa qalliin uu ku maqnaan doono inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, waxaana xaaladdiisa uga sii daraysa in qandaraaskiisa Liverpool uu ku egyahay bisha June, taas oo ka dhigan in aanu mar dambe u ciyaari doonin kooxdan haddii aan heshiiska loo kordhin.

Reds ayaa waxay mar horeba qorshaysay inay difaac dhexe oo cusub keento Anfield xagaaga soo socda, waxaana liiskeeda ku jiray oo ay kala dooranaysay Goncalo Inacio, Lucas Beraldo, Piero Hincapie iyo Arthur Theate, laakiin waxay hadda isbeddel uu ku imanayaa qorshaha kooxda.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayso, Liverpool ayaa waxay doonaysaa in bisha January ay keento difaac dhexe, waxaanay kala dooran doontaa afarta sare ku xusan, laakiin waxa sidoo kale dookh u ah Maxence Lacroix oo u ciyaara Wolves oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan iyo Jean-Clair Todibo oo Nice u dheela oo Manchester United ay kula dagaallamayso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga