Alexis Mac Allister Oo Laga Dayriyey Xaaladdiisa Kaddib Dhaawac Jilibka Ah Oo Soo Gaadhay

Dhaawaca jilibka kasoo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool iyo xulka qaranka Argentine ee Alexis Mac Allister ma aha mid saansaantiisu fiican tahay, waxaana uu u muuqdaa mid culus oo muddo uu garoomada kaga maqnaan doono, sida uu sheegay tababare Jurgen Klopp.

24 jirkan ayaa jilibka uu dhaawac kasoo gaadhay qaybta labaad ee ciyaarrtii ay Arbacadii 2-0 ku garaaceen Sheffield United, waxaana uu awoodi waayey in uu kusii jiro garoonka.

“Waxa jirtay rajo qurux badan kaddib ciyaartii Sheffield United oo ah in aanu dhaawacu halis noqon, mana aha halis, laakiin inta sannadkan ka hadhay haddii aad ka maqnaato waxay ka dhignaanaysaa 12 ciyaarood, waanay badan tahay.

“Ma filayo inuu Sabtida diyaar noqon doono, ma filayo in uu Khamiista ama Axadda soo laabanayo, markaa muddo ayuu maqnaanayaa.”

Liverpool ayaa Sabtida waxay safar ugu tegaysaa Crystal Palace, kaddibna Khamiista waxay waajiyi doontaa Union Saint-Gilloise oo kulanka ugu dambeeya ee wareegga group-yada Europa League ay la ciyaari doonaan, kaddibna waxay Axadda 17 December la ballansan yihiin Manchester United, waana saddexda kulan ee uu Jurgen Klopp xaqiijiyey in Alexis Mac Allister uu ka maqnaanayo.

Si kastaba, Liverpool ayaa waxa usoo noqday goolhaye Alisson Becker oo ku dhaawacmay ciyaartii Manchester City ee November 25 oo aan la hubin in uu Sabtida ciyaari doono, hase yeeshee waxa dhaawac muddo dheer ah ku maqnaan doona Joel Matip oo ciyaartii Sheffield United ku dhaawacmay, Andy Robertson, Thiago Alcantara, Stefan Bajcetic iyo Diogo Jota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga