Erik ten Hag Oo Magacaabay Saxiix Oo Ay Tahay In Ay Man United Samayso Suuqa Xagaaga.

Erik ten Hag ayaa lagu wadaa inuu galabta maamulo Manchester United markii ugu dambeysay iyadoo kooxdiisu ay dooneyso inay aku guulaysato FA Cup-ka.

Warka ayaa soo baxay Jimcihii in ninka reer Holland aan la siin doonin xilli ciyaareedkii seddexaad, iyadoo aan loo eegin natiijada Wembley.

Ten Hag ayaa ku dhibaatooday xilli ciyaareedkiisii 2-aad kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay Carabao cup-ka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Ten Hag ayaa sheegay saxiix oo uu doonayo in ay kooxdu samayso hadii uu sii ahaado tababaraha kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

“Waxaan u baahanahay inaan la soo saxiixano weeraryahan dheeri ah xagaaga,” ayuu yiri Ten Hag

“Haddii aan la soo saxiixan karno ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah iyo bedelka Varane, arrimuhu mar kale ayay fiicnaan doonaan”.

“Haddii kooxdu ay taam ahaato waxaan isku dayi karnaa oo aan higsan karnaa 4-ta sare mar labaad.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga