Waa Maxay Sababta Uu Casemiro Ku Seegay Kulanka Final-ka FA Cup-ka.

Xiddiga Khadka dhexe ee Casemiro ayaa gabi ahaan seegay Final-ka FA Cup-ka kulanka ka dhacaya Wembley.

Casemiro ayaa la filayay in uu ku bilowdo kulanka isla markaas ka ciyaaro Khadka dhexe ee kooxda.

Xiddiga ayaa xitaa ka qayb ahaa liiska xiddigaha u safray London ka hor kulanka Final-ka FA Cup-ka.

Laakiin xitaa ayaan xitaa ka qayb ahayn liiska xiddigaha kulanka loo soo xushay.

Saxafiga James Ducker ayaa sheegay in dhaawac muruqa ah sabab u yahay in uu Casemiro seego Final-ka FA Cup-ka.

Xiddiga Casemiro Ayaa xanuun ka dareemay muruqa intii uu ku jiray isku diyaarinta kulanka ka hor bilaabashada kulanka.

Sidaas darted Ten Hag ayaa go’aansaday in uu xiddiga ka reebo kulanka isaga oo ku badalay xiddiga Kambwala.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga