Dheemanka Reer Brazil Ee Uu Barbaadiyey Ronaldo Ee Ay La Saxeexanayso Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxay calaamadsatay xiddig da’yar ah oo mustaqbalka ay u diyaarsan doonaan, kaas oo hore uu usoo carbiyey halyeyga Brazil ee Ronaldo isla markaana xagaagan ay si fudud Los Blancos ku heli karayso.

Real Madrid oohore ula saxeexatay ciyaartooyo badan oo iyaga oo da’yar ah ay keentay Santiago Bernabeu, haddana ka mid ah rukunada ay kooxdu ku taagan tahay sida Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Fede Valverde, ayaa waxa kale oo ay sugaysaa in xagaaga ay soo dhoweyso Endrick oo kooxda Palmeiras kula guuleystay horyaalka Brazil.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Real Madrid ayaa waxay ay la saxeexanaysaa Guilherme Ruck oo ku jira kulliyadda da’yarta Real Valladolid ee uu iska leeyahay halyeyga Brazil ee Ronaldo.

14 jirkan oo sannadkii 2009 dhashay, ayaa waxa la sheegay in Real Madrid ay si xor ah kula wareegi doonto xagaaga balse ay magdhow siin doonto Real Valladolid, balse waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo City Group oo ay iska leeyihiin mulkiileyaasha Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga