Xiddiga weerarka Barcelona ee Ferran Torres ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa, isagoo fariin toos ah u diray maamulka kooxda Catalanka.
Torres ayaa sheegay in haddii Barcelona ay doonayso inuu sii joogo, ay tahay inay ficil ku muujiso rabitaankeeda.
“Barcelona waa inay i tustaa inay si dhab ah ii jeceshahay, isla markaana ay ila fariisato wada-hadal rasmi ah, Ugu dambayn wax walba waxay ku xiran yihiin wada-hadal.” ayuu u sheegay NBC.
Dhanka kale, Ferran Torres ayaa markii ugu horreysay ka falceliyay wararka la xiriirinaya kooxda reer France ee Paris Saint-Germain (PSG).
“In kooxo sidan oo kale ah ay ku rabaan waa arrin wanaagsan.” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanku wuxuu cadeeyay inuusan ku degdegeyn go’aan qaadashada maadaama uu weli heshiis kula jiro Barcelona.
“Waxaan qandaraas kula jiraa Barcelona. Waa run in kubadda cagta aan la ogeyn waxa dhici kara, laakiin inta aan qandaraaska haysto waan sugi karaa, go’aankeygana anigaa iska leh.”
Hadalka Ferran Torres ayaa sii huriyay hadal-heynta ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo PSG lagu sheegay inay ka mid tahay kooxaha si dhow ula socda xaaladdiisa, halka Barcelona ay hadda wajahayso go’aan muhiim ah oo ku saabsan sii haysashada weeraryahanka reer Spain.
Be the first to comment