Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Guimarães ayaa si rasmi ah ugu biiray xerada tababarka ee Newcastle United ee ka socota dalka Spain, inkastoo Arsenal ay wali si xooggan u doonayso inay la soo wareegto ka hor inta uusan xirin suuqa kala iibsiga.
Guimarães oo 28 jir ah ayaa sawir ka soo dhigay bartiisa Instagram, isagoo muujiyay inuu gaaray hudheelka ay deggen yihiin ciyaartoyda Newcastle ee magaalada La Manga. Wuxuu dib uga soo daahay fasaxa kooxda sababo la xiriira ka qeybgalka Koobka Adduunka ee uu la joogay xulka Brazil.

Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay ugu dambeyn gudbisay dalab rasmi ah oo ay ku doonaysay Bruno Guimarães, balse Newcastle ayaa si degdeg ah u diidday.
Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada labada dhinac ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay in Newcastle ay ku dooneyso ku dhawaad £80 milyan si ay u fasaxdo xiddiga reer Brazil.
Inkasta oo uu hadda ku biiray xerada Newcastle, warbixinnadu waxay sheegayaan in Bruno Guimarães uu aad u doonayo inuu ku biiro Arsenal, islamarkaana uu rajeynayo in heshiiska la dhammeeyo ka hor inta uusan xirmin suuqa.
Waxaa la filayaa inuu la kulmo tababaraha cusub ee Newcastle Matthias Jaissle iyo agaasimaha ciyaaraha Ross Wilson, balse weli waxaa jira rajo laga qabo inuu u dhaqaaqo garoonka Emirates.
Be the first to comment