Mucjisadii Goolasha Oo Lagu Qabsaday Man United, Ramsdale Oo Ka Xidh-xidhay Arsenal, Ten Hag Oo Cidlo Taagan Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Goolhayihii hore ee Manchester United ee David de Gea oo 33 jir ah ayaa qarka u saaran in uu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League oo uu si xor ah ugu biiro Newcastle United oo uu u beddelayo Nick Pope oo dhaawac culus oo soo gaadhay u jiifaya illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Telegraph)

Aaron Ramsdale oo ah goolhayaha Arsenal ee booskiisa lumiyey ayaa ka mid noqday goolhayeyaasha ay doonayso Newcastle, waxaana suurtogal ah in Arsenal ay aqbasho in ay £50 milyan oo Gini ku iibiso 25 jirkan. (TalkSport)

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag, waxa uu taagan yahay cidlo isaga oo lumiyey inta badan kalsoonida qolka labbiska kooxdiisa, kaddib guul-darradii ay kala kulmeen Newcastle United Sabtidii. (ESPN)

Weeraryahanka reer Guinea ee Serhou Guirassy oo 27 jir ah oo noqday mucjisada goolasha horyaalka Bundesliga ee xilli-ciyaareedkan ayaa lagu qabsaday Manchester United oo hore u doonaysay. 27 jirkan ayaa bisha January waxa lagu heli karayaa 15 milyan oo Gini oo kaliya, waxaana hadda si xoogan u doonaysa Newcastle. (Football Insider)

Arsenal waxay diyaar u tahay inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo weeraryahanka reer England ee Eddie Nketiah. 24 jirkan ayaa bisha January ka tegi karaya Emirates Stadium. (Football Transfers)

Difaaca reer France ee Raphael Varane oo 30 jir ah, ma doonayo inuu ka tago Manchester United bisha January, waxaanu sii joogayaa Old Trafford illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, inkasta oo ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag. (MEN)

Manchester United, Arsenal iyo Chelsea waxay si dhow ula socdaan goolhayaha xulka France ee Mike Maignan oo 28 jir ah oo diiday inuu qandaraas cusub u saxeexo AC Milan. (Footmercato)

Brighton & Hove Albion ma doonayso inay hor istaagto tababare Roberto De Zerbi haddii uu go’aansado inuu ka tago mustaqbalka. (Football Insider)

Juventus ayaa doonaysa inay la saxeexato khadka dhexe ee Manchester City ee Kalvin Phillips, waxaanay isku dayaysaa inay amaah kusoo qaadato xagaaga. (Metro)

Chelsea iyo Manchester City ayaa xiise u muujinaya Claudio Echeverri oo ah 17 jir reer Argentian ah oo u ciyaara River Plate, kaas oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen ‘Messi-ga cusub’. Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka Argentina ee Koobka Adduunka 17-jirrada ee ay afar-dhamaadka ku hadheen. (90 min)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga