DEG-DEG: Man United Oo Dalab Cusub Ka Gudbinaysa Xiddig Daafaca Ka Ciyaara.

Kooxda Man United ayaa dalab cusub ka gudbinaysa xiddiga kooxda Lecce ee Patrick Dorgu.

Man United ayaa xiddiga Patrick Dorgu u doonaysa in ay ku xoojiso daafaceeda garabka qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in Man United dalab cusub oo dhan 30 milyan ah ka gudbinayso saxiixa xiddiga Patrick Dorgu.

Dalabka Cusub ee Man United aya imanaya kadib markii ay kooxda Lecce dalab horay uga diiday kooxda Man United.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in wadahadalada labada kooxood socdaan iyada oo United doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga