Weeraryahanka xulka Poland iyo kooxda FC Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda reer Catalonia dhammaadka xilli ciyaareedkan, kadib marka uu dhammaado qandaraaskiisa kooxda.
Xiddiga reer Poland ayaa bartiisa Instagram ku qoray:
“Kadib afar sano oo ay ka buuxeen caqabado iyo shaqo adag, waxaa la joogaa waqtigii aan bixi lahaa. Waxaan baxayaa anigoo dareemaya inaan gutay waajibaadkeygii. Afar xilli ciyaareed, saddex horyaal oo La Liga ah. Waligey ma ilaawi doono jacaylka taageerayaashu i siiyeen tan iyo maalintii ugu horreysay. Catalonia waa gurigeyga.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waad ku mahadsan tihiin dhammaan dadkii aan la kulmay intii lagu jiray afartan sano ee cajiibka ahaa. Mahad gaar ah ayaan u dirayaa madaxweyne Laporta oo i siiyay fursadda aan ugu noolaado cutubyadii ugu wanaagsanaa xirfadeyda ciyaareed. Barcelona waxay dib ugu laabatay meesheedii dabiiciga ahayd.”
Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay:
“Ha noolaato Barcelona. Ha noolaato Catalonia!”
Waxaa la filayaa in ciyaaryahanka sagootin gaar ah ay u sameeyaan taageerayaasha Barcelona kulanka soo socda ee ay la ciyaarayaan Real Betis garoonka Camp Nou, iyadoo jawigu la filayo inuu noqdo mid dareen badan leh, maadaama uu wax badan ku soo kordhiyay kooxda muddadii uu joogay.
Lewandowski wali ma uusan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan kooxda uu ku biiri doono xiga, iyadoo kooxo ka dhisan horyaalka Talyaaniga iyo Sacuudiga ay xiiseynayaan saxiixiisa.
Be the first to comment