Xiddiga kooxda Liverpool FC, Mohamed Salah, ayaa muujiyay caro weyn kadib guuldarradii kooxdiisa kala kulantay Aston Villa ee horyaalka Premier League-ka Ingiriiska, isagoo diray fariin adag oo ku baaqaysa in dib loo soo celiyo aqoonsigii weerarka ee kooxda iyo ku laabashada waddadii koobabka.
Liverpool ayaa guuldarro 4-2 ah kala kulantay Aston Villa ciyaar dhacday fiidnimadii Jimcaha garoonka Villa Park, taas oo qayb ka ahayd wareegga 37-aad ee Premier League-ka Ingiriiska.
Mohamed Salah ayaa bartiisa rasmiga ah ee “X” ku qoray:
“Waxaan arkay kooxdan oo ka soo gudubtay shaki una gudubtay kalsooni, kadibna kalsoonidaas uga gudubtay hanashada koobab.”
Kabtanka xulka Masar iyo xiddiga Liverpool ayaa sii raaciyay:
“Waxay qaadatay dadaal badan, aniguna mar walba waxaan sameeyay wax walba oo aan awoodo si aan kooxda uga caawiyo inay gaarto heerkan. Wax iga farxad badan ma jiro taas.”
Wuxuu sii watay:
“Burburkeenna iyo guuldarro kale oo xilli ciyaareedkan ah waxay ahayd mid aad u xanuun badan, taageerayaasheenana aysan u qalmin. Waxaan rabaa inaan arko Liverpool oo dib ugu noqota sharafteedii hore, koox weerar adag leh oo cabsi gelisa kooxaha kale isla markaana mar kale u tartanta koobabka.”
Salah ayaa intaas ku daray:
“Kubadda aan aqaan inaan ciyaaro waa tan, waana aqoonsiga ay tahay in dib loo soo celiyo oo weligeed la ilaaliyo, iyada oo aan wax gorgortan ahi jirin. Qof kasta oo kooxda ku soo biiraya waa inuu la qabsadaa taas.”
Wuxuu sii yiri:
“Inaad hal ama laba kulan guuleysato ma aha waxa Liverpool lagu yaqaan. Koox walba way badisaa ciyaaro. Liverpool waxay mar walba ahaan doontaa koox qiimo weyn iigu fadhida aniga iyo qoyskayga. Waxaan rabaa inaan arko iyadoo guuleysanaysa xitaa kadib marka aan ka tago.”
Ugu dambayn wuxuu yiri:
“Sida aan mar walba sheegay, u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka dambe waa yoolka ugu yar, waxaana sameyn doonaa wax walba oo awooddeyda ah si aan taas u xaqiijiyo.”
Liverpool, oo doonaysa inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe, ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala sarreynta Premier League iyadoo leh 59 dhibcood.
Be the first to comment