DEG-DEG: Kooxda Premier League Ee 10ka Dhibcood Laga Jaray Oo Go’aan Adag Gaadhay

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa qaadatay go’aan adag oo aanay hubin natiijada ka dhalan karta, kaddib markii 10 dhibcood uu ka jaray horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, taas oo keentay in ay noqdaan kooxda kaalinta 19aad kaga jirta miiska kala-sarraynta.

Premier League ayaa toddobaad ka hor waxa uu shaaciyey, in toban dhibcood ay ka jareen Everton oo lagu helay dembi ah inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo ay ka hoos martay xaddiga loo ogol yahay in ay kooxuhu khasaari karaan.

Sharciga ayaa dhigaya, in aanay kooxna diiwaangelin karin khasaare ka badan £100 milyan oo Gini saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin Everton ayaa waxa ay diiwaangelisay in ka badan £124.5 milyan oo Gini oo khasaare ah.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaysa, in khasaaraha ay Everton gashay uu gaadhayo £300 milyan oo Gini, hase yeeshee Everton ayaa waxa ay shaacisay, in ay rafcaan ka qaadatay go’aanka lagu riday ee dhibcaha lagaga jaray, waxaanay dacwaddooda u gudbiyeen boodhka rafcaanka oo dhegaysan doona.

Everton ayaa markii 10ka dhibcood laga jaray, waxa kaliya oo usoo hadhay afar dhibcood iyadoo ciyaartay 13 kulan oo horyaalka Premier League ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga