Muxuu Yahay Go’aanka Uu Mishiinka Goolasha Bundesliga Ee Serhou Guirassy Ka Qaatay Damaca Manchester United?

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Stuttgart ee Serhou Guirassy  ayaa albaabada u furay in bisha January uu ku biiro Manchester United oo si weyn loola xidhiidhinayo, taas oo raadinaysa dhaliye dabiici ah oo ka saara xaaladda adag ee goolal la’aanta ah ee ay ku jiraan.

Serhou Guirassy oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa noqday mucjisada horyaalka Bundesliga oo 10 ciyaarood oo kaliya oo uu saftay uu dhaliyey 15 gool, waana xilli-ciyaareedkiisii koowaad, waxaana uu saddex gool oo kaliya ka dambeeyaa Harry Kane oo ka kulamo badan.

Gool-dhaliyahan oo kooxdiisu aanay u awood badnayn sida Munich, isla markaana aan haysanin ciyaartooyo u caawinaya sida Harry Kane oo kale, ayaa goolashiisu ay sii jiiteen kooxo badan oo reer Yurub ah, sida AC Milan, Roma iyo Atletico Madrid.

Laakiin Machester United iyo Newcastle United oo horyaalka Premier League ah ayaa iyaguna kusoo biiray tartanka loogu jiro Serhou Guirassy qandaraaskiisa Stuttgart lagu burburin karayo €17.5 milyan oo Euro oo kaliya bisha January ee foodda innagu soo haysa.

Toddobaadkii hore, Sebastian Hoeness oo ah maamulaha Stuttgart ayaa sheegay, in aanu meesha ka saari karaynin in Guirassy uu bisha January ka tegayo kooxda, sababtoo ah laacibkan ayaa la rumaysan yahay in uu albaabada u furay Manchester United oo uu doonayo inuu tago bisha January.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu goolasha badan horyaalka Bundesliga

Harry Kane (Bayern Munich) – 18 gool

Serhou Guirassy (Stuttgart) – 15 gool

Jonas Wind (Wolfsburg) – 9 gool

Lois Openda (RB Leipzig) – 9 gool

Leroy Sane (Bayern Munich) – 8 gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga