DEG-DEG: Inkaarta Dhaawacyada Man United Oo Halkeeda Kasii Socota Iyo Laf-dhabarta Ay Waayeen Ka Hor Kulanka Liverpool

Manchester United ayaa waxa kusii socota inkaarta dhaawacyada ee joogtada ku noqotay, waxaana mar kale ay waayeen xiddig muhiim ah oo laga saaray qaybta hore ee ciyaartii Bayern Munich ee Old Trafford, kaddib markii uu muruqa is-qabtay ee uu sii wadan kari waayey ciyaarta.

Difaaca reer England ee Harry Maguire oo noqday xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii September ayaa uu dhaawac u muuqda in uu yahay muruqa uu soo gaadhay oo kaga baxay ciyaartii Bayern Munich.

Maguire ayay dhakhaatiirtu ugu yimaaddeen garoonka oo ay u sameeyeen daaweyn, base yeeshee waxa uu awoodi waayey in uu sii wato ciyaarta, kaddibna waxa lagu beddelay Jonny Evans daqiiqaddii 39aad.

Jamaahiirta Manchester United ayaa u kacay Maguire markii uu garoonka kasii baxayay, waxaana uu ku biiray liiska toddoba ciyaartoy oo kale oo ay ku jiraan Casemiro iyo Lisandro Martinez oo ka dhaawacan United.

Ka sokow ciyaarta uu ka baxay ee Munich, Harry Maguire ayaa waxa uu dhaawaciisu imanayaa ka hor ciyaarta adag ee Axadda ay martida u noqonayaan Liverpool oo ay ku booqan doonaan garoonka Anfield.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga