KASHIFAAD Halkee buu gaaray Wadahadalka Olise & Real Madrid , Xog banaanka timid

Madaxii hore ee Bayern Munich Uli Hoeneß ayaa si adag u beeniyay wararka sheegayay in Real Madrid ay dooneysay saxiixa xiddiga kooxda Michael Olise, isagoo caddeeyay in Bayern aysan wax wada-hadal ah ka geli doonin iibkiisa.

Hoeneß ayaa yiri: “Waxaa la sheegay in Real Madrid ay rabtay Olise? Arrintaas waan ku qoslay.”

Wuxuu intaas ku daray hadal muujinaya sida Bayern uga go’an tahay inay sii haysato xiddigeeda: “Xitaa haddii Boqorka Shiinaha uu noo yimaado, wali wax wada-hadal ah kama geli lahayn iibkiisa.”

Hoeneß ayaa sidoo kale sheegay in isla mowqifkaas uu quseeyo weeraryahanka Luis Díaz, isagoo caddeeyay in Bayern aysan qorsheynayn inay iibiso labada ciyaaryahan.

Hadalladan ayaa muujinaya in Bayern Munich ay u aragto Michael Olise iyo Luis Díaz tiirar muhiim u ah qorshaha kooxda, islamarkaana aysan diyaar u ahayn inay ka tanaasusho, inkastoo ay jiraan xiiseyn uga imaaneysa kooxaha waaweyn ee Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga