Manchester United Oo Laga Cidhib-tiray Champions League Iyo Europa League, Laguna Karbaashay Garoonkooda

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka hadhay tartanka Champions League, sidoo kalena aan fursad loo siinin inay ciyaarto Europa League, waxaana rajo yar oo liidatay oo ay lahaayeen ka burburisay Bayern Munich oo 1-0 ku garaacday kulan ka dhacay Old Trafford.

Manchester United ayaa waxa dilay gool uu Kingsley Coman ka dhaliyey qaybtii labaad, kaas oo ahaa goolka madiga ah ee kala saaray labada kooxood.

Rajada Manchester United kusoo bixi karaysay ayaa ahayd in ay ka badiso Bayern Munich, sidoo kalena ay barbarro ku dhamaystaan FC Copenhagen iyo Galatasaray, taas oo iyaduna aan dhicin.

Man United ayaa waxa qaybtii hore fursado badan ka khasaariyey Antony, Rasmus Hojlund iyo Bruno Fernandes, halka Scott McTominay uu goolka la seegay darbado uu tuuray.

Markii lagu soo nqoday qaybta labaad ayaa Bruno Fernandes uu laynka dushiisa ka helay kubbad halis ahayd oo uu usoo dhiibay Aaron Wan-Bissaka, hase yeeshee waxa uu dul-mariyey birta.

Daqiiqaddii 70aad ayaa Harry Kane uu kubbad ka dhax-saaray difaacyahannada Manchester United waxaana uu lugta u saaray Coman oo meel cidlo ah u baxay oo kubadda la hortegay goolhaye Andre Onana oo uu dhinaca ka dhigay, waxaanu sidaas ku dhaliyey goolka madiga ah ee Old Trafford murugada ka abuuray.

Man United ayaa lixdii ciyaarood ee Champions League waxay guuleysatay hal mar oo kaliya oo ay FC Copenhagen ka badiyeen iyadoo kooxda reer Denmark dhamaadkii iska khasaarisay rikoodhe ciyaartaas, halka Galatasaray ay barbarro 3-3 ah la gashay United, mar kalena ku garaacday Old Trafford.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay ku dhamaysatay kaalinta ugu hoosaysa ee Group A, waxaana ay kaliya haysataa 4 dhibcood, iyadoo kaalinta koowaad ay Bayern Munich kusoo gudubtay 16 dhibcood.

Dhinaca kale, FC Copenhagen ayaa 1-0 kaga badisay Galatasaray oo usoo gudubtay wareegga 16ka Champions League, halka kooxda reer Turkey ay u dhacday Europa League oo ay ka dheeli doonto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga