Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa si rasmi ah u diiday codsi lagu doonayay in la joojiyo dacwadda la xiriirta ciyaaryahanka da’da yar ee Raúl Asencio iyo saddex kale oo ka tirsan akadeemiyadda Real Madrid.
Go’aanka maxkamadda ayaa dhigaya in baaritaannada kiiska ay sii socdaan, iyadoo la diiday codsigii lagu doonayay in dacwadda la xiro ka hor inta aan baaritaanka la soo gabagabeyn.
Kiiskan ayaa la xiriira eedeymo ku saabsan in la duubay laguna faafiyay muuqaallo leh waxyaabo galmo, arrin ay hay’adaha garsoorku weli baaritaan ku wadaan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in habraaca sharciga uu sii socon doono, isla markaana dhammaan dhinacyada ay khusayso dacwadda ay wajihi doonaan baaritaanka ilaa laga gaarayo natiijo rasmi ah.
Be the first to comment